U bood dhigaalka

Dhageyso: Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Jowhar Oo Diley Xaaskiisa

Sheeko:Amniga

Maareeyihii garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, Ibraahim Maxamed Cali Calashow ayaa xalay waxa uu magaaladaasi ku toogtay xaaskiisa.

Marxuumadda ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiila Xasan Sheekh Cali, waxay ahayd 32 sano jir, walibana waxay lahayd Uur.

Aasiyo Sheekh Cali, waa eedada Jamiila, Goobjoog News ayeey u sheegtay in sababta dilka ay ka dambeysay muran soo kala dhex-galay Ibraahim iyo Jamiila.

Waxa uu ku dhuftay dhowr Xabadood oo uu ka ridey Bistooladiisa, sida ay Aasiyo inoo sheegtay, isagiina ciidamada ammaanka Jowhar ayaa gacanta ku dhigey, waxaana uu ku xiran yahay saldhigga magaalada Jowhar.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News