U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxda Galmudug Oo Loogu Baaqay Iney Xalliyaan Khilaafkooda

Sheeko:Dalka

Suldaan C/kariin Maxamuud Dagal oo ka mid ah waxgaradkii dhisay maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi iney xalliyaan khilaafkooda.

Waxa uu sheegay Suldaanka in dhabarjab weyn ay tahay in khilaaf uu dhex yimaado madaxda Galmudug, wuxuuna ugu baaqay in wax walbo lagu dhammeeyo miiska wadahadalka.

Shacabka Galmudug ayuu sheegay Suldaanka inaanay xilligaan u baahneyn madax is qabqabsata, balse ay doonayaan madax wax u qabata.

Dhanka kale, Suldaan C/kariin ayaa sheegay in rajo aad u wanaagsan ay ka qabeen isbedallada cusub ee Galmudug, maadaama ay wada heshiiyeen Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News