U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxda Hirshabelle Oo Lagu Eedeeyey Ka Gaabinta Wax Ka Qabashada Dagaallada Hiiraan

Sheeko:Amniga

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa maamulkas ay idhaha ka qabsanayaan sidii loo damin lahaa dagaal beeleed ka taagan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa xusay in wabaahinta kaliya laga shegayo in colaadda la joojiyo balse muhiim ay tahay in si toos ah loo kala dhex galo beelaha dagaallamaya.

Waxa uu sheegay in dagaal beeleedkaas dad badani ay ka barakaceen kuwa kale dhimasho iyo dhaawac uu kasoo garay, isagoo soo jeediyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalkaasi.

Deegaanka Dudun Cad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News