U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweynaha Hirshabeelle Waare Oo Rajo Xumo Ka Muujiyay Mustaqbalka Dalka

Sheeko:Dalka

Guddoomiye xigeenka Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada  ahna Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo isna khubad ka jeediyay shirkii maanta ayaa si cad u qiray in taariikhdii Soomaaliya iyo weliba horumarkii uu dalku ku talaabsaday, taasoo uu xusay in laf dhabar ay u ahayd midnimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay burburkii dowladdii Soomaaliya, iyo faragelintii shisheeye saameynta ay dalka ku reebtay.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal muuqda, laakiin taas bedalkeeda  waxaa uu walaac ka muujiyay xaaladaha dhanka siyaasadda ee dalka, isagoo sheegay in ay maanta mareeyso meel halis badan oo dib dalka ugu celin karta marxaladihii adkaa ee uu soo maray.

Hoggaamiyaha Hirshabeelle wuxuu sheegay in taladii dalkani ay isku koobeen dad yar oo uu tilmaamay in ay ismoodeen in dadka ay ugu caqli badan yihiin sida uu afkiisa ka sheegay

Halkan Hoose Ka Dhageyso:

Goobjoog News