U bood dhigaalka

Dhageyso:  Madaxweynaha Oo Sheegay In Dedeg Wax Loogu Qaban Doono Dadkii Ka Barakacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay degdeg wax ugu qaban doonto shacabka ka barakacay magaalada B/weyne, kadib markii uu magaaladaasi ku fatahay Wabiga Shabelle.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in kaalin weyn ka qaadan doonaan la tacaalidda xaaladda dadkan, islamarkaana wuxuu ballanqaaday in dowladda ay gargaar degdeg ah geyn doonto magaalada B/weyne.

“Markaan noqdo waan isku noqoneynaa, dadkaan walaalaheenna oo aan waxbo haysan inaan gacan ka siinno wax walbo oo awoodeenna ah’ ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa sheegay in muhiimadda ay tahay sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha soo noqnoqday ee Wabiga Shabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News