U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweynaha Puntland Oo u Digay Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa Somaliland uga digay daan-daansi uu sheegay iney ka waddo deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag.

Waxa uu sheegay madaxweyne Dani in ciidanka Somaliland ay maalmahan dhan ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo deegaanno ka mid ah Sool, islamarkaana ay rabaan in mar kale soo weeraraan dhulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Dani ayaa sheegay in marar badan ay nabadda ka shaqeynayeen, islamarkaana ay diidanaayeen in colaad iyo dagaallo kale ay dhacaan.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Dani in ay difaacan doonaan deegaannadooda, islamarkaana cid walbo oo kusoo xad-gudubta jawaab ay ka heleyso.

Deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag waxaa maalmahan dambe ka jiray xiisad u dhaxeya Puntland iyo Somaliland oo marar badan ku dagaallamay gobolladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News