U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Dani Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Uu Qaban Doono

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani oo xalay lagu caleema saaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay waxyaabaha u qorsheysan ee uu doonayo inuu qabto.

Waa uu Dani sheegay in ugu horreyn uu wax ka qaban doono arrimaha ku aadan taabagelinta sharciga iyo qaanuunka, dib u qaabeynta hay’adaha dowliga ee Puntland,Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, xoojinta maamul daadejinta, hirgelinta nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dani ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii deegaannada Puntland looga ciribtiri lahaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo sidoo kale kuwa Daacish.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa shacabka ka dalbaday iney la shaqeeyaan maamulkiisaan cusub.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News