U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo Oo Bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federraalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay xerada ciidamada Jenerraal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Xeradan oo lagu tababarayo ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana ay gacanta ku hayso dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa madaxweynaha waxa uu qeyb qeyb u booqday xeradaasi.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kormeer kadib hadal uu halkaasi ka jeediyey uu ugu horreyn u mahadceliyey dowladda Imaaraadka iyo dedaalka ay ku bixineyso tababarka ciidamadan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyey ciidamada.

Waxa uu sheegay ciidanka xoogga dalka in meel walbo laga ogyahay iney yihiin geesiyaal aan dhabarka aadin cadowgooda, naftoodana u huraya dadkooda iyo dalkooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu xanto ciidanka xoogga dalka ineysan haysan tishibiliin, balse hadda uu arkay iney haystaan tishibiliinkii ciidan ee ugu wanaagsanaa.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka madaxweynaha arrimo badan uu kaga hadlay.

Goobjoog News