U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo Oo Ciidanka Ka Dalbaday La Shaqeynta Shacabka

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in si isku soo dhowaansho usoo dhexmarto shacabka iyo ciidanka loo baahan yahay in ciidanka Soomaaliyeed door muhiim ah ku yeeshaan sidii ay shacabka ula shaqeyn lahaayeen.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo si gaar ah u sheegay, in ciidanka dowladda looga baahan yahay in mararka qaar ay mushaarkooda ay intii ay awoodaan u jaraan dadka danta yar, ama kuwa barakacayaasha ah ee abaaraha ay waxyeeleeyeen ee ku jira xeryahada dadka barakacay ee magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, taasi oo keeni karta isku soo dhowaanshiyo shacabka iyo ciidanka ah.

“Waxaan aad iyo aad idiin kugu mahadcelinayaa sidaad isku xilqaanteen ayaan dhoweyd oo mushaaradiina uga goyseen inaad siisaan ama ugu tabarucdeen  dadka masaakiinta ah ee liita, runtii taasi ilaahay ajar buu idin ka siin, waxayna muujineysaa kaliya ma ahan inaad u dhimaneysaa xabad aad u taagan tihiin, dhufeyska iyo dhibka aad ugu jirtaan kaliya maaha, inaad quluubta kala socotaan dadka liita oo masaakiinta ah, curyaamada ama maatida ah inaad u naxariisataan, waana howsha laga rabo in qofka ciidanka sameeyo, ciidanka kaliya ma ahan inuu qori qaato, wuxuu ciidan u yahay inuu difaaco shacabka” ayuu yiri madaxweynaha.

Bartamihii sanadkii 2016-ka ayeey ahayd markii ay ciidamada xoogga dalka ay lacago ay mushaar u qaateen ugu tabaruceen dadka barakacayaasha ah ee kasoo barakacay abaaraha.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News