U bood dhigaalka

Dhageyso Madaxweyne Gaas Oo Dowladda Ugu Baaqay Inay Tixgeliso Nidaamka Awoodeed

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 Sep 2018 si rasmi ah Kismaayo uga furay shirka 3-aad ee iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Shiikh Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Awaare, wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Ambassador Meachel Keating, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, agoon yahano iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa furitaanka kadib khudbad muhiima ka jeediyey shirka iyadoona Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray muhiimadda uu leeyahay shirkani.

Gaas ayaa hoosta ka xariiqay, in loo baahan yahay in masuuliyadda la wadaago.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada