U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Geelle Oo Ka Hadlay Sida Lagu Xallin Karo Khilaafka DFS Iyo Jubbaland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sida lagu xallin karo khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Geelle oo u waramay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in arrinta Jubbaland u arko in lagu xalliyo isku tanaasul iyo sidoo kale is afgarad isaga oo yiri “Is afgarad iyo isku tanaasul..waan rajeeneynaa in la gaaro, annaga quusta ma naqaanno”

Sidoo kale, madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Jabuuti ay mar walbo garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay garabkooda u arkaan.

“Fadhigii Soomaaliya waan ka qeybgalnay, waana ku caddeenay halkaa, sida arrinku dhanka wanaagga ugu socdo, dhanka soo kabista ugu socod.. annaga kama harin kama aanu hareyno, maxaa yeelay garab buu innaga inoo yahay” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa tan iyo burburkii dowladda dhexe ee dalka waxay dedaal badan ku bixisay dib usoo kabashada Soomaaliya, iyadoo dalkaasi lagu qabtay shirar dib u heshiisiin, laguna soo dhisay dowlado dhowr ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka madaxweyne Geelle.

FG: Xuquuqda codkan waxaa leh VOA Laanteeda Afka Soomaaliga

Goobjoog News