U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Hore C/qaasim Oo Ku Baaqay In Wax Loo Qabto Dadka Hantidooda La Haysto

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iney wax u qabato dadkii hantidooda la qaatay iyo sidoo kale kuwii gudaha dalka dhibka loogu geystay.

Waxa uu sheegay in waxgaradka Soomaaliyeed, culimada iyo cid walba la doonayo iney arrintaasi ka shaqeeyaan.

Sidoo kale C/qaasim ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed dhankooda laga doonayo iney gacmaha is qabsadaan oo ay u midoobaan sidii wax loo wada qabsan lahaa.

“Waxaan shaki lahayn dowladdu wixii ay ka qaban karto iney ka qabaneyso dadkii hantidooda la qaatay ama dhibka loo geystay si wax un loogu qaban lahaa, laakiin waxaa la rabaa in duqeyda, culimada, dadka waxgaradka ah arrintaasi ay waxbadan ka qabtaan sis ilaahay dhibaatada inooga dulqaado, aan barinno ilaahay, kadibna aan isku soo noqonno, gacmaha aan is qabsanno Koonfur iyo Waqooyi, Bari iyo Qoraxsin meel walbo hala is cafiyo ilaahayna hala baryo ayaan leeyahay, shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa haddii aan ilaahay loo soo noqon dhibaatadu naga tagi meyso, nagana kici meyso ilaahay haloo soo noqdo waa marka Koowaad, marka ku xigtana ilaahay hala baryo” ayuu yiri Madaxweyne hore C/qaasim.

C/qaasim ayaa hadalkaan kahor sheegay xilli uu magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha dalka Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News