U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Madoobe Oo Sharraxay Ujeedka Shirka Amniga Ee Kismaayo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka shaaciyay halkaas in qorshaha shirka Kismaayo uu yahay dardargelinta howllagada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay in shirkaasi ay Kismaayo uga wada qeyb geli doonaan wasiirrada amniga dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Maamul Goboleedyada afarta ah Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa shirkii Garoowe waxay go’aan ku gaareen inay sameystaan Ciidan isku dhaf ah, islamarkaana ka wada shaqeeyaan amnigooda iyadoo laga maarmaro xukuumadda Muqdisho.

Waxay sidoo kale ka baxeen qorshayaashii amniga ee uu qeybta ka ahaa maamulka uu hoggaamiyo Maxamed Farmaajo.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News