U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Waare “Dowladda Soomaaliya Waxay Noqotay Tacsi U Joog”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay qaraxyada maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ay ku shaqeeyaan.

Subaxnimadii Isniinta 10-09-2018 ayay ahayd weerarkii ugu dambeeyay markii lagu qaaday xarunta maamulka degmada Hodan.

“Runtii aad beey ii dhibeysaa inay caado noqotay kalmad kasta oo ayaantay la billaabayo in tacsi lagu billaabo, waxay nuxurka ka qaadaysaa tacsidii, waxay baabi’inaysaa dareenkii uu qabay beni’aadamku uu qabay waxay ka dhigaysaa wax caadiya musiibo maalin kasta dhacaysa, haddamna in laga tacsiyeeyo waa ku qasbanahay dhibaato kasta oo shacabkeenna ku dhacda, aad baa uga tiiraanyeeysanahay dhacdadii labaad oo degmada Hodan maanta ka dhacday” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Maxamed Waare ayaa daboolka ka qaaday in ay muhiim tahay in la helo cid lagu la xisaabtami karayo masuuliyadda qaraxyada dhacaya.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News