U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Waare Oo Loogu Baaqay Inuu La Yimaado Isbedal Dhab Ah

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada maamulka Hirshabeelle ayaa madaxweynaha cusub ee maamulkaasi ugu baaqay inuu la yimaado isbedal dhab ah.

Siyaasi Cabdi Xaashi C/salaan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo nabad iyo cadaalad sidaasna ay ku imaan karto in la xalliyo tabashada ay ka qabaan qaar kamid ah beelaha gobolka.

Wuxuu sheegay in degaannada Hirshabeelle qaar oo dagaal beeleedyo ay ka dhacaan ay sabab u tahay sadbursi iyo iyadoo madaxda maamulka aynaan wax xil ah iska saarin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay inuu hoggaamiyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayuu ugu baaqay inuu soo dedejiyo xukuumaddiisa cusub oo uu ku tilmaamay inay tahay mid indhaha lagu wadahayo.

Ugu dambeyn Siyaasi Cabdi Xaashi ayaa sheegay in madaxweyne Waare laga doonayo in uu kala socodsiiyo howlaha maamulka Hirshabelle, kana dhigo maamul la mid ah kuwa dalka ka jira am aka horreeya.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News