U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Waare Oo Sheegay In Shacabka B/weyne Heli Doonaan Cadaalad

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada B/weyne ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi iyo sidoo kale rabshadihii ka dhacay B/weyne.

Waare ayaa sheegay in shacabka B/weyne ay muujin karaan dareenkooda, balse aan la aqbali doonin in magaalada la fowdeeyo, lana abaabulo qalalaase.

Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabelle ayaa tilmaamay iney ka war sugi doonaan Labada guddi ee DFS iyo Hirshabelle u kala magacaabeen xaqiiqo raadinta dhimashada taliyahii Booliiska ee qeybta gobolka Hiiraan iyo rabashadihii ka dhacay magaaladaasi.

B/weyne ayaa weli waxaa ka jirta xiisad kacsanaan ah, iyadoo guddoomiyahii xilka laga qaaday, Yuusuf Dabageed oo wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in uu is difaaci doono haddii lasoo weeraro.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News