U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh “Dalkaan ma degaayo ilaa inta ay jirto meel aan dowladda ka talin”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyay khudbad soconaysay in ka badan 20 daqiiqo, waxaana uu kaga hadlaayay arimo badan oo dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay in xilligaan aanu u hadleyn sida isaga oo madaxweynaha ah, balse ka muwaadin ahaan uu fariin ugu gudbinaayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah arimaha qabyaaladda oo uu sheegay in dalka ay la degtay, waxaana uu shacabka ka dalbaday in ay mid noqdaan, kana tagaan qabiilka iyo wax la mid ah si dalka uu u dhismo.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay leedahay wax walba oo ay leeyihiin dowladaha caalamka ka jira, hase ahaatee waxa uu qiray inay ka yaryihiin waxyaabahaasi waxa dowladeena haysato.

Dalka ayuu sheegay in xilligaan la gaarsiin karo meel loo soo cararo halkii laga carari jiray, hadii ay tahay in loo soo cararo dabeecadda, dadka iyo qeyraadka.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in iyaga oo raadinaayay nolol wanaagsan ay ku dhamaadaan badda cas, islamarkaana ay lugeyaan in ka badan Kun Km waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taas bedalkeeda waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay taalo nolo wanaagsan balse ay u baahan tahay dadkii soo saari lahaa, isaga oo sheegay in dowladiisa ay u taagan tahay sidii ay dalka wax badan uga soo saari lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Madaxweynaha in Labadii Sano ee jirtay ay wax badan qabatay, islamarkaana sanadaha soo aadan ay kasii wanaagsanaan doonto sida ay hadda tahay.

Mar uu ka hadlaayay wax qabadka hadda jira ee dowladda ayuu sheegay inay bilawdeen Iskuuladii dowladda, islamarkaana canug walba oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu wax barto, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay aadaan arday Soomaaliyeed oo wax lacag ah laga qaadeyn, isagoona sheegay in aysan dheereyn Hooyo Soomaaliyeed oo adaysa Isbitaalka dowladda oo lacag aan laga rabin sidoo kalena waxa uu tilmaamay in aysan dheereyn iyadoo Soomaaliya Caafimaad loo soo aadayo.

Sax ma ahan ayuu yiri madaxweynaha in wax walba oo ladoonayo in shacabka loo qabo siyaasad la geliyo, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay kala ogaadaan waxa siyaasadda ah iyo waxaan ahayn.

Wadada oo la dhiso, iskuul la diyaariyo ama adeegyo kale oo la qabto waxa uu sheegay in aysan siyaasad ahayn, balse ay tahay mid umadda oo dhan ka dhaxeysa, waa sida uu madaxweynaha hadalkiisa sii raaciyay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka codsaday madaxweynaha in waqti dheer ay geliyaan kuna mashquulaan sidii dalka shuruuc loogu sameyn lahaa, xukuumadana waxa uu faray inay lasoo deg degto shuruucdaasi, isagana uu la deg degi doono meel marintooda.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hiigsiga sanadka 2016, waxa uu sheegay in la dhaqan geliyo, la keeno qawaaniintii, loona meel mariyo sida shacabka danta ugu jirto si ay mas’uuliyadda u qaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa dhanka kale ka hadlay heshiisyadii Puntland, kii Muqdisho ka dhacay ee gobalada Dhexe, midkii K/galbeed iyo shirka Kismaayo, waxaana uu sheegay in dhamaan ay yihiin dadaalo loogu jiro dhismaha dowladnimada, ayna yihiin kuwo aan iska hor imaanayn iyo kuwo is bur burinaaya, waxayna caalamad u yihiin buu yiri in deegaan walba oo dalka ka mid ah ay dowladnimada gaarto.

Dalka Soomaaliya yuu sheegay in aanu degi doonin ilaa inta ay jirto meel aan dowladda maamulin, si taasi loo helo waxa uu sheegay Madaxweynaha in la dedejinaayo dhismaha maamulada.

Hadaba Halkaan hoose ka dhageeyso Madaxweyne Xasa Sheekh Maxamuud oo arimahaan iyo arimo kale ka hadlaaya.

Goobjoog News