U bood dhigaalka

Dhageyso: Malaaq Shiine “Dowladda Lacago Shan Kun Ah Ayay Xildhibaannada KG Ugu Qeybisay Muqdisho”

Sheeko:Amniga

Malaaq Cali Shiine ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in faragalin ay ku heeyso Koonfur Galbeed isagoo sheegay in lacago loogu qeybiyay xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi magaaladani Muqdisho.

“Waxaa iscasilay guddoomiyihii guddiga doorashada, maadaama dowladda federaalka weerar qaawan ay soo qaadday, iyadoo maamulkii iyo guddoomiyihii baarlamaanka Koonfur Galbeed cid ka war qabta aysan jirin ayaa diyaarad la soo dhigtay garoonka Baydhabo oo la qaaday 17 xildhibaan maalintii dambe 27, 30 baa la qaaday” ayuu yiri Malaaqa.

“Markii ay meesha tagaan waxaa la siiyay lacag shan kun ah, markaas ayaa la leeyahay SHariiqdisho.f Xasan lama shaqeyn karno ee hebel soo doorta, arrintaas maaha arrin qarsoon xildhibaannadu waa kuwii aan soo xulannay aniga laftigeeyga kuwii aan soo xulay midkood baa ku jira” ayuu yiri Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiine.

“Wallaahi Dowladdani annaga markii horeba dhibaato ayay nagu heysay labada jid ee Koonfur Galbeed lama soo mari Karin, waxa sidaas u galayana waa ciidankeeda madaxda waan la hadalnay, arrintaas dhag jalaq looma siinin” ayuu sheegay Cali Shiine.

“ U jeedka waxa weeyaan  in nin wixii la rabo laga sameeysto in la doorto oo Shariif Xasan meesha laga qaado ayaa la rabaa” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa uu cod dheer ku sheegay in wixii ka dhasha xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo ay masuuliyaddooda qaadi doonto dowladda federaalka.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News