U bood dhigaalka

Dhageyso: Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hirshabelle Oo Kormeeray Deegaanno Uu Wabiga Kaga Fatahay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa maanta waxa uu kormeer ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe oo uu ku fatahay wabiga Shabelle.

Deegaannada ay tageen mas’uuliyiintan uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka waxaa ka mid ah Qalimow iyo Maadheere oo meello ka mid ah wabiga kaga soo fatahay.

Waxay dadka ku booriyeen mas’uuliyiintan dadka ku dhaqan deegaannadan iney kaalin mug leh ka qaataan ka hortagga in fatahaadda ay intaan kasii xoogeysato.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin in ay wax la qabtaan s shacabka ku dhaqna deegaannadan.

Ugu dambeyn, madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirsballe, Guudlaawe ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah in ay gurmad lasoo gaaraan dadka tabaaleysan ee uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News