U bood dhigaalka

Dhageyso: Mas’uuliyiin Kormeeray Qoysaskii Ku Barakacay Ceel-jaalle, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka socotay hay’ado samofal ayaa kormeer ku tagay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku nool yihiin qoysas kasoo barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle ee magaalada B/weyne.

Maxamed Cismaan Qallaafow, guddoomiyaha magaalada B/weyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in qoysaskan wax loo qabto, islamarkaana la siiyo biyo nadiif ah iyo sidoo kale wax ay dadka ka hoos galaan roobka.

“Waxay dadkaan u baahan yihiin biyo, meel ay biyaha roobka ka galaan, cunno iyo daawo intaba wey rabaan, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hay’adaha howlahan ka shaqeeya in cid walbo qeybta ay ka leedahay ka caawiso dadkaan” ayuu yiri guddoomiyaha B/weyne.

Dhan kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Hiiraan, Xuseen Cismaan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dedaal ku bixin doonaan wax u qabashada dadkaan, hay’adahana wuxuu ugu baaqay in kaalintooda ay qaataan.

Deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan waxaa ku sugan boqolaal qoys oo kasoo barakacay xaafado ka mid ah magaalada B/weyne kadib markii ay kasoo barakaceen fatahaadda Wabiga Shabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News