U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxaa Baydhabo Looga Mamnuucay Mooto Bajaajta?

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhaqangalay ammar ay soo saareen laamaha amniga maamulka K/galbeed, kaasi oo ku aadan in Baydhabo laga mamnuucay Mooto Bajaajta oo dad badan ay ku tiirsanaayeen.

Taliyaha saldhigga Booliiska ee Baydhaba Ibraahim Dubudow ayaa sheegay in Bajaajta u joojiyeey sababo dhanka ammaanka iyo sidoo kale shilalkooda oo batay.

Waxa uu sheegay taliyaha in sidoo kale Bajaajta iyo Mootada Labada Lug leh u joojiyeen dhibaatadooda oo batay, shilal joogta ah iyo maalin walbo oo dad badan Isbitaalka la geeyo shilalka ay geystaan awgeed.

Sidoo kale, taliye Ibraahim ayaa sheegay in sidoo kale ay ka warheleen in Al-shabaab ay doonayaan in Bajaajta u adeegsadaan falal amni darro.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in ammarkan uu socon doono muddo Saddex maalin ah, intaasina ay amniga wax ka qaban doonaan.

Ka sokow in Saddex maalin Mooto Bajaajta laga mamnuucay magaalada Baydhabo ayaa dhanka kalena waxaa loo diiday gabi ahaanba iney gudaha u galaan suuqyada waaweyn ee magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News