U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxaa Hortaagan In Kalfadhiyada Baarlamaanka Hirshabelle Dib u Furmaan?

Sheeko:Dalka

Dib u dhac ayaa marar badan ku yimid in dib u furmo kalafadhiga baarlamaanka maamulka Hirshabelle, iyadoo taasina ay ka hadleen xildhibaanno ka mid ah baarlamaankaasi.

Xildhibaan Cumar Maxamed oo baarlamaanka Hirshabelle ka mid ah ayaa u sheegay Goobjoog in Saddex jeer lagu fashilmay inuu dib u furmo kulankaasi.

Madaxda ugu sarreysa ee Hirshabelle ayuu sheegay in ay ka maqan yihiin magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka Labaad oo kaliya magaalada joogo.

Dastuurka Hirshabelle ayaa qaba in Kalfadhiyada baarlamaanka uu furo madaxweynaha Hirshabelle oo Jowhar muddo ka maqan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News