U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxaa Ka Socda Magaalada Cadaado?

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soconayaan kulamo u dhaxeeya Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, mas’uuliyiinta Galmudug, waxgarad iyo siyaasiyiin.

Kulamadan ayaa ah kuwo looga shirayo xaaladda Galmudug iyo sidii loo heli lahaa maamul loo dhan yahay oo aanay cidna diidaneyn.

Kheyre oo shalay tagay Cadaado ayaa la kulmay madaxweyne Xaaf oo ay ka wadahadleen arrimaha hadda jira si loo dhameeyo khilaafyada, wallow aan la ogeyn kulankaasi natiijada kasoo baxday.

Waxaa sidoo kale Cadaado ku kulmay xildhibaannada Labada aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, wasiiro kasoo jeeda maamulkaasi iyo Xasan Cali Kheyre oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka Galmudug.

Maanta ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu la kulmo waxgaradka degmada Cadaado iyo sidoo kale waxgaradka Gaalkacyo oo magaaladaasi ku sugan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News