U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxaa Laga Filan Karaa Shirka Muqdisho Uga Socdo Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada?

Sheeko:Dalka

Hay’adda Cilmi baarista ee Heritage ayaa rajo wanaagsan ka muujisay  in natiijo wax ku ool ah ay kasoo baxdo shirka magaalada Muqdisho uga socda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

C/rashiid Khaliif, agaasimaha hay’addaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in wax walbo oo la kala tabanayo la isugu yimaado miiska wadahadalka.

Waxa uu sheegay agaasimaha iney wanaagsan tahay shirkaasi lagu soo daro cid walbo oo ay quseyso ajendaha shirka, sida arrimaha Dastuurka, doorashada iyo wixii lamid ah.

Arrinta ugu weyn ee in laga heshiiyo mudan ayuu sheegay iney tahay siyaasadda, kadibna ay is furfuri doonaan wax walbo, sida amniga iyo wixii la mid ah.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirka dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo muhiim ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News