Dhageyso: Maxaa Loo Kala Diray Maxkamada Heer Gobol Iyo Heer Degmo Ee Sh/dhexe?

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney kala direen maxkamadaha heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah baarlamaanka Hirshabelle ayaa Goobjoog News u sheegay in sababta loo kala direy maxkamadahan ay tahay kadib markii lagu helay musuq.

Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in caddeyn buuxdoo lagu helay maxkamadahan iney musuq sameeyeen, sidaasi darteedna loo kala diray.

Shacabka Shabellaha Dhexe ayuu sheegay iney ka waayeen cid u cadaalad fasha, islamarkaana lacago badan laga qaatay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW