U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxamuud Nuur Oo Ka Hadlaya Guushiisa Doorashada Mareykanka

Sheeko:Dalka

Maxamuud Nuur oo ka mid ah Soolaalida ku guuleysatay doorashada Mareykanka ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota ay tahay guul u soo hoyatay.

Waxaa uu tilmaamay Maxamuud in guushiisa ay qeyb ka qaateen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka isaga oo ku guuleystay Kursigii ay ka tagtay Ilhaan Cumar.

Maxamed ayaa ka mid ahaa saddex qof oo Soomaali ah kuwaasi oo u tartamay doorashada Mareykanka iyaga oo ku guuleystay.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codod gaaraya 59,322 oo u dhiganta 48.1% waxaana ay kusoo baxday golaha congress-ka dalka Maraykanka.

Sidoo kale doorashooyinkan dhacay waxaa guul ka gaaray Hodan Xasan oo ku guuleysatay iyana golka Congress-ka Minnesota iyo sidoo kale Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay faarujisay Ilhaan.

Soomaalida Minnesota ayaa wada dabaaldegga guulahan ay gaareen Saddexdan qof oo Soomaalida Maraykanka ku nool ka mid ah.

Tartanka guulaha ay ka gaareen Soomaalidan ayaa ah midka Xisbiga Dimuqraadiga ah dhexdiisa ah, waxaana ay la tartami doonaan bisha November xubnaha kasoo baxa xisbiga Jamhuuriga.

Goobjoog News