U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxamuud Sayid Aadan “Waa Muhiim In La Xalliyo Khilaafka Maamul Ee Ka Jira Baardheer”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in muhiim ay tahay xallinta khilaafka dhanka maamulka ah ee ka taagan degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin soo afjaridda wax walbo oo ka taagan degmadaasi, si loo helo maamul dadkoo oo dhan ay raali ka yihiin.

Waxgaradka degmada Baardheere ayuu ku amaanay doorka ay ka qaateen in aanu gacan ka hadal dhex marin, shaqsiyaadka isku haya maamulka degmadaasi.

Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in shacabka degmada Baardheere aanay xilligan qaadi karin culeysyo dheeraad ah oo dhanka maamulka ku aaddan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News