U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxay Ka Dhigan Tahay In Sacuudiga Uu U Kala Dab Qaado Jabuuti Iyo Eratariya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin C/casiis.

Sida laga soo xigtay  Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf dowladda Sacuudiga ayaa u kala dab qaadaysa dowladaha Jabuuti iyo Eratariya oo muddo xiriirkooda uu go’naa islamarkaana ku muransanaa dhul ku yaalla xuduudka labada dal.

Kulanka ay wada yeesheen Maaadaxweyne Geelle iyo Boqor Salmaan oo ka dhacay magaalada ganacsiga Sacuudiga ee Jeddah, ayaa waxay labada hoggaamiye diiradda ku saareen arrimo ku saabsan xiriirka labada dal, isbedelka ka socda gobolka Geesk Africa iyo colaadda u dhaxeysa Jabuuti iyo Eritrea.

Ilo wareedyo muhiim ah oo si hoose ugu warramay Goobjoog News ayaa sheegaya in Boqor Salman uu ka shaqeynayo sidii heshiis looga gaari lahaa xiisadda Jabuuti iyo Eritrea, islamarkaana loo soo celin lahaa xiriirka labada dalka, oo 2008 ku dagaalamay muran dhanka xuduuda.

Haddaba, arrintaasi waxa ay soo kordhin karto waxaan ka wareysannay DR Cali Saciid Maxamuud Kulane(Foodare) oo ah bare wax ka dhigaa jaamacado ku yaalla Muqdisho kana faallooda siyaasadda Carabta iyo geeska Afrika.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News