U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xaaf Iyo Nicholas Haysom?

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay usoo magacwday arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waxa ay magaalada Gaalkacyo kula kulmeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo sidoo kale madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ah arrimaha ku aadan khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale sida lagu xallin karo khilaafka ka dhex jira Galmudug.

Ugu dambeyn kulankooda ka dib waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweyne Xaaf iyo sidoo kale Haysom, iyaga oo sheegay in kulankooda si wanaagsan ugu dhammaaday.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News