U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Jubbaland Oo Xukun Dil Ah Riday

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu eedeeyey inuu dilay qof shacab ah.

Xukunkan ayaa ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose waxaana ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamaddaasi Bashiir Maxamuud Xareed.

Askarigan ayaa dilka waxaa uu geystay bil ka hor waxaan uuna amray guddoomiyaha Maxkamadda in lagu fuliyo dil toogasho ah.

“Askariga waxaa uu labo uu ku riday marxuumka isaga oo horkacaya ciidankiisii kuna amray in ay rasaasta ku furan sidaas daraadeed waxaa Maxkamadda u cadaatay in uu galay dambiga lagu soo eedeeyay”, sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha Maxkamadda Bashiir Maxamuud.

 

 

Goobjoog News