Dhageyso: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Riddey Saddex Qof

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda gobolka Hiiraan ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku riddey Saddex ruux oo dambiyo kala duwan ku eedeysnaa.

Labo ka mid ah ragga la xukumay ayaa ku eedeysnaa iney dhac u geysan jireen gaadiidka dadweynaha ee Galbeedka magaalada B/weyne.

Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan oo xukunkaan ku dhowaaqay ayaa sheegay in ragga kala ah Yuusuf Xuseen Ibraahim iyo Aadan C/laahi Xasan lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay oo ah iney shacabka iyo gaadiidka dhici jireen laguna xukumay min Saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa waxay Afar Sano oo xabsi ciidan ah ku riddey Dable Abukar Yuusuf Ibraahim oo lagu eedeeyey inuu ka tagay difaacii lagu ogaa, is dagaaleenna shacab gaari saaran isaga oo laga qaatay qorigiisa ayna shacabkii qoriga ka qaatay usoo celiyeen taliska ciidanka xoogga dalka ee Hiiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW