U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxkamadda Garbahaarey Oo Dil Ku Fulisay Nin Kufsaday Haweeney Kadibna Dilay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda degmada Garbahaarey ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku fulisay nin la sheegay in uu kufsaday haweeney kadibna uu dilay.

Aadan Siraad Maxamuud oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Garbahaarey oo la hadlay Gooboog, wuxuu sheegay in ninka la dilay lagu magacaabayey Maxamuud Cali Xaamu, uuna jiray 32 sano.

Sidoo kale, waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ninkan uu qirtay falkaasi, sidaasina loogu xukumay dilka, iyadoo maantana lagu fuliyay.

Arrintan waxay imaaneysaa iyadoo dhowaan magaalada Gaalkacyo ee Mudug lagu kufsaday Caaisha Ilyaas oo 12-sano jir ah, kadibna la dilay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News