U bood dhigaalka

Dhageyso: Meydka Gabar Dhallinyaro Ah Oo Laga Helay Baraawe, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa helay Meydka gabar da’deeda lagu sheegay 28-sano jir, taasi oo laga helay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Baraawe ayaa xaqiijiyey in gabadhan la kufsaday kadibna la diley.

C/fitaax Sandheere oo ah guddoomiyaha Baraawe ayaa u sheegay Goobjoog News, iney wadaan baaritaanno, islamarkaana wixii kasoo baxa ay warbaahinta la wadaagi doonaan.

Dhanka kale, ciidanka dowladda ayaa wada howlgallo ay ku baarayaan dadkii dilkaasi ka dambeeyey.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News