U bood dhigaalka

Dhageyso: Mid Kamid Ah Musharraxiintii Madaxweyne Ee Doorashadii 2017 Oo Dhaliilay Hannaanka Shaqo Ee DFS

Sheeko:Dalka

Siyaasi Saciid Ciise Maxamuud oo kamid ah raggii u tartamay xilka madaxweyne ee dalka doorashadii 8 February 2017 ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu ku sheegay in markii doorashada madaxtooyada ay dhacaysay dalku meesha uu joogay meel ka xun uu maanta marayo.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim ahayd in wax laga qabto caqabadaha ka jira amniga, garsoorka iyo dhaqaalaha islamarkaana madaxda dalka aysan waxba ka qaban arrimahaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dhaqaalaha ayaa ah saldhigga horumarineed markaad fiiriso dalka maanta halkee ayuu joogaa meeshii aan ka soo tagnay meel ka xun buu joogaa, marka la doonayo in lala dagaallamo musuqmaasuqa waa in dowladdu tahay  mid oggol isla xisaabtan”

Waxaa uu sidoo kale sheegay mar uu garsoorka ka hadlayay in awooddii garsoorka ay qaateen madaxdii ugu sarreysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News