U bood dhigaalka

Dhageyso: Mooshinkii Laga Keenay Waare Oo Laga Laabtay

Sheeko:Dalka

Xildhibaannadii mooshinka ka keenay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib uga laabtay mooshinkooda, kadib markii wadahadal uu dhexmaray xildhibaannadan iyo madaxweynaha.

Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Jowhar, ayaa lagu shaaciyey in mooshinkaasi laga heshiiyey, islamarkaana dib uga laabashadiisa ay kaalin weyn ka qaadatay dowladda federaalka.

Cismaan Barre Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in mooshinkaan uu ahaa canaan oo kaliya, loona baahan yahay in uu madaxweynaha iska saxo haddii ay qaladaad jiraan.

Mooshinkan ayaa mudadii uu jiray waxa uu caqabad weyn geliyey howlihii shaqo ee maamulka Hirshabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News