U bood dhigaalka

Dhageyso: Muqdisho Oo Markii Ugu Horreysay Laga Hirgeliyey Adeeg Kuu Sahlaya Inaad Wax Ku Iibsato Adiga OO Gurigaag Jooga

Sheeko:Dalka

 

Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay waxaa laga bilaabay adeeg si Online ah ay dadka ugu dukaameysan karaan iyaga oo guryahooda jooga.

Maxamed Maxamuud Nuur Shiine, waa aas aasaha adeeggan, wuxuu Goobjoog u sheegay in adeeggan uu dadka u suurtagelinayo iney iibsadaan Tikidhyada diyaaradaha, lambarada dhaqaatiirta, iibsashada taleefannada iyo wixii lamid ah.

Waxa uu sheegay in adeeggan ugu talogaleen in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho ay u fududeeyaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Shiine wuxuu tilmaamay in muddo Sanad ah ay ka fekerayeen qaabka adeeggan ugu shaqeyn karo magaalada Muqdisho.

“Waxaan ahay aas aasaha Somali Online Market, bilowgii 2016-kii ayaan kasoo fekernay qorshahan, Sanad dhan ayaan qorsheynaynay, waxaan eegeaynay in waxan ay shaqeyn karaan iyo in kale, marka waxaa inoo soo baxday iney tahay fursad banaan oo u baahan in laga faa’ideysto” ayuu yiri Shiine.

Dalalka horumaray ee caalamka ayaa si caadi ah suuqyadooda wax looga iibsan karaa qaab Online ah adiga oo jooga gurigaaga.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News