U bood dhigaalka

Dhageyso: Musharrax Jabriil Oo Ka Hadlay Xaaladaha Puntland

Sheeko:Amniga

Musharrax Daahir Mire Jabriil ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland.

DR Jabriil oo kamid ah musharrixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa Garoowe ku soo dhoweeyay masuuliyiin dowladeed, siyaasiyiin, ururrada bulshada sida waxgaradka haweenka iyo dhallinyarada.

Khudbad aad u dheer oo musharraxa uu u jeediyay dadkii soo dhoweeyay ayuu kaga hadlay xaaladaha ay Puntland soo martay iyo midda maanta.

Musharrax Daahir Mire soo hadal qaaday dhaqaalaha Puntland, wuxuu xusay in dhaqaaluhu uu meel liidato marayo maanta islamarkaana xukuumadda waqtigeedu dhamaaday ku guuldareysatay kobcinta dhaqaalaha Puntland.

Isha dhaqaale ee Puntland ugu weyn waa dekadda Boosaaso, dhowaan madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ballaarinta dekadda ay xukuumaddiisu garwadeen ka ahayd.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News