U bood dhigaalka

Dhageyso: Musharrax K/galbeed Oo Walaac Ka Muujiyay Faragalin Ay Ku Heyso Villa Somalia

Sheeko:Amniga

Musharrax madaxweyne maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xaaji Ibraahim oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa daboolka ka qaaday in ay jiraan culeysyo badan oo soo food saaray musharrixiinta tartanka ugu jira doorashadaasi.

Doorashada madaxweynenimo ee dowladda Koonfur galbeed ayaa qorshaha uu yahay in magaalada Baydhabo ay ka qabsoonto 17-ka bishani aynu ku guda jirno.

Waxa uu walaac ka muujiyay qodobo ku jira shuruudaha guddiga doorashada ay ku xireen qofka isu soo taagaya xilkaasi, sida in qof kasta oo musharrax ah laga doonayo inuu bixiyo 20.000$ oo dollarka Maraykanka ah haddii dumar ay tahayna 10.000$.

Dhanka kale, waxaa si cad u qeexay in walwalka iyo walaaca laga muujinayo faragalin doorashada madaxweynaha kaga imaanaysa xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay  magaaladani Muqdisho.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News