U bood dhigaalka

Cabasho Ka Dhan Ah Villa Soomaaliya Oo Loo Gudbiyey Beesha Caalamka

Sheeko:Amniga

Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi.

Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa wareysi uu siiyay Masraxa Goobjoog News ku sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn.

Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri.

Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in cabashooyinka ka dhanka ah faragallinta doorashada Villa Somalia ay kala hadleen safaaradda Britain ee Soomaaliya iyo beesha caalamka kaddib markii xubno sarsare oo ka tirsan ay kulan Baydhabo kula qaateen.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay.

Halkan Hoose Ka Dhageyso: