U bood dhigaalka

Dhageyso: Muuse Biixi Oo Baaq u Diray Beelaha Ku Dagaallamaya Ceel Afweyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa nabad ugu baaqay beelaha ku dagaallamay deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Biixi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalladan soo noqnoqday, isaga oo sheegay in loo baahan yahay nabadda in laga wada shaqeeyo.

Cid walbo oo waxgarad ah ayuu ugu baaqay in kaalin ka qaadato sidii loo damin lahaa colaaddan.

Inta la hubo Saddex qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News