U bood dhigaalka

Dhageyso: MW Axmed Madoobe “Dalku 3 Qof Ma Xukumi Karto”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa khudbad kulul ka jeediyay furitaanka Shirka Gollaha Iskaashiga maamullada dalka kaasoo maanta ka furmay magaalo xeebeedka Kismaayo.

Shirka gollahani lagu aas-aasay October 2017 ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweyniye-yaasha Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasoo khudbado jeediyay.

Axmed Madoobe, ayaa khudbadiisa si kulul ugu dhaliilay hab-dhaqanka Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu sheegay inay ku fashilmeen inay fuliyaan heshiisyo ay hore ula gashay dowlad goboleedyada.

Wuxuu khudbaddiisa, hoggaamiyaha Jubbaland ku soo hadal qaaday dhinacyo kale duwan sida amniga, dastuurka iyo sidoo kale garsoorka dalka.

Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in amniga uu yahay mid muhiim u ah dalka iyo dadka, haseyeeshee, aynaan xilligani suurta-gal noqon karin nolosha haddii aysan shacabka Soomaaliyeed helin xasillooni nabadgalyo.

Wuxuu soo hadal qaaday in aynaan waxba ka fulin heshiisyadii dhinaca amniga oo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ku gaareen shirarkii amniga qaranka looga arrinsaday kuwaasoo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale sanadkii tegay 2017 iyo midkani aynu ku guda jirno ee 2018-ka.

Madaxweyne Axmed Islaam Madoobe wuxuu xusay in dalku ay ka jiraan khilaaf iyo dhibaatooyin badan, oo looga bixi karo oo kaliya dhowrista iyo dhameystirka dastuurka, oo saldhig u ah soo celinta dowladnimadii Soomaaliya.

Madoobe ayaa u sababeeyay khilaafyada siyaasadeed ee dowladda iyo maamullada ka dhex aloosan in ay sabab u yihiin iyadoo dastuurkii iyo wixii lagu heshiiyay lagu dhaqmi waayo.

Ugu dambeyn, khudbadda uu maanta shirka gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ka jeediyay madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku soo hadal qaadya Nidaamka Garsoorka dalka oo uu tilmaamay madaxweyne Axmed Madoobe in qaabka ay dowladda Federaalka u maareynayso uu yahay mid keeni kara dhiibaato, culeyso iyo mushkilado badan oo dib u dhac u keeni karta wadanka.

Halkani hoose ka dhageyso:

Goobjoog News