U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxweyne Oo Ka Hadlay Gaabis Siyaasadda Arrimaha Dibadda Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadal jeedin ka sameeyay shirkii Khamiista ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa ku soo hadal qaaday arrimaha dibadda.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay tahay mid aanan fadhin islamarkaana ay muhiim tahay in tubta siyaasadda lagu soo daro ka hadalka arrimaha dibadda.

Isbedalka wadamada gobolka ka dhacay ayuu sheegay in siyaasad lagu la jaan qaado loo baahan yahay, isagoo carrabaabay in dowladdiisa ay culeyso ka heysteen arrimaha Khaliijka oo khilaafkaasi siyaasadda gudaha ee dalka sameeyn aan yareyn ku yeeshay.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa wasaaradda arrimaha dibadda faray in la timaado qorshe lagu diyaariyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

“Wadan kasta waa in aynu ka yeellanaa siyaasad gaar ah waxaana ka horreeya annaga danteeda” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada