U bood dhigaalka

Dhageyso: MW Gaas “Qodobada Aan Soo Saarnay Waa Kuwa Muhiim U Ah Horumarinta Dalka”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu guryo noqday caasimadda magaalada Garoowe ayaa ka hadlay ujeedka shirkii Kismaayo ugu soo dhammaaday gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu mudanaha guddoomiye ka yahay.

Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid dan u ah umadda Soomaaliyeed.

“Si guul ah ayuu shirku inoogu soo dhammaaday, kaasoo ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay sababta keentay in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee dalka.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News