U bood dhigaalka

Dhageyso: MW Waare Oo Eedeymo Culus U Soo Jeediyay Madaxda Ugu Sarreeya Dalka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay eedeymo culus ugu soo jeediyay xukuumadda Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in  amniga caasimadda iyo kuwa dowlad goboleedyadaba uu faraha ka baxay, islmarkaana dowladda ay kuw argaliyeen balse ay dhag jalaq u siinin.

Wuxuu kaloo Villa Somalia ku dhaliilay in burburin iyo dhibaato ku heyso sida labada dowlad goboleed ee dariska ah oo kala ah midka uu isagu hoggaamiyo ee Hirshabeelle iyo Galmudug, isaga oo is weydiiyay su’aal aheyd wax kaliya labadaas dowladood loo bartilmaameedsanayo.

‘’Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ay ka mid yihiin shanta maamul gobolleed ee dalka ka jira, waxaa moodaa in dowladdu si gaar ah u bartilmaameedsaneyso labadan maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug, dowladda waxaa leeyahay waa la arki doonaa Hirshabeelle iyo Galmudug haddii ay Ari yihiin’’ ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Hoggaamiyaha Hirshabeelle Waare oo soo hadal qaaday maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in guddoomiye kasta uu fiirsanayo mushaarkiisa iyo sidii uu shaqada u sii joogi lahaa.

Wuxuu meesha ka saaray in xoriyatul qowlka dowladda dastuurkeeda ku qoran uusan wax miisaan ah lahayn, isagoo tusaale u soo qaadanaya guddoomiyihii degmada Xamarweyne oo eedeymo uu  jeediyay xukuumadda federaalka xabsiga loo dhigay.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News