U bood dhigaalka

Dhageyso: MW Xaaf “Dowladda Waxaa Ka Soo Hartay Xaaf Ha Baxo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khudbad ka jeediyey Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa aad u dahliilay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Geelle Xaaf ayaa ka ashtikooday Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo madaxda ugu sarreeysa ku eedeeyay in ay kursiga ka kacsanayaan.

“Dowladda dhexe wax walba oo ay heshiis wada galnay  iyo mashaariic wada saxiixannay, waxay dowladdu noqotay mid ka badin waydo Xaaf ha baxo, war hadde xaggee buu aadayaa odaygu” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale rajo aan wanaagsanayn ka muujiyay qaabka ay u socoto howsha dhamaystirka dastuurka KMG ee dalka, isagoo ugu magac daray “Mashruuc aan dhammaan”.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha amniga, waxaana hadalkiisa uu isugu soo aruurayaa eedo uu u jeedinayo madaxda dowladda federaalka.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News