U bood dhigaalka

Dhageyso: MW Xaaf Oo Farriin Hanjabaad Ah U Diray Villa Somalia

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay maanta magaalada Garoowe oo uu ka furmay shirka gollaha iskaashiga.

Madaxweyne Xaaf wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka uu u baahan yahay badbaado, isagoo baarlamaanka u diray codsi ah in ay dowlad u soo dhisaan dalka.

Waxaa uu soo jeediyay in dowlad goboleedyadu sameeystaan ciidamo gaar ah, isagoo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Waxa uu Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle soo hadal qaaday khilaafka hareeyay gudaha maamulkiisa, wuxuuna faraglinta uga digay madaxtooyada Soomaaliya.

“Haddii Galmudug gubato, wallaahay baan Xamar nabad ahaanayn” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News