U bood dhigaalka

Dhageyso: MW Xigeenka Iyo Afhayeenkii Xilka Laga Qaaday Ee Baarlamaanka Galmudug Oo Cadaado Gaaray

Sheeko:Dalka

Madaxweyne xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan madaxda Galmudug oo uu isagu ka mid yahay kaasoo sababay in xilka laga qaado Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Mudane Maxamed Xaashi oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogay waqooyiga gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalada Cabuudwaaq ayaa waxaa markii uu gaaray Cadaado ku soo dhoweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka oo ay ku jiraan xildhibaanno.

Hadal uu saxaafadda siiyay ayuu ku sheegay madaxweyne xigeenku in khilaafkii soo kala dhex galay Galmudug waagii uu joogay madaxweynihii hore ee maamulka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed illaa iminka uusan dhammaan.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ay ku gaareen dalka Jabuuti.

Hoos Ka Dhageyso:

 

Dhanka kale, waxaa isla maanta magaalada Cadaado gaaray guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Galmudug xildhibaan Cali Gacal Casir oo qeyb kamid ah baarlamaanka Galmudug ay xilkii ka qaadeen maalintii shalay ahayd kaddib kulan ay ku qabsadeen caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Mudane Cali Gacal Casir ayaa saxaafadda isna kala hadlay arrinta khilaafka ee taagan.

Hoos Ka Dhageyso:

Goobjoog News