U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaas oo iska fogeeyay in RW Soomaaliya uu kala hadlay maamul u sameynta gobolada dhexe

Sheeko:Dalka

Madax waynaha maamulka Puntand oo shalay ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegayo in uu Addis Ababa kulan kula qaatay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Madax wayne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in isaga iyo ra’iisal wasaaraha ay deganaayeen hal hotel balse ay is arkeen, laakiinse aysan ka hadlin wax ku saabsan maamulka loo sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale, madax weynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in iyaga ay horay u gaareen go’aan ah in kulan aan qarsoodi aheyn ay la yeeshaan dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo beesha caalamka dhax dhaxaadin doonto.

Ugu dambeyntii madax waynaha Puntland ayaa sheegay in shirkoodii Addis Ababa ay ka soo gaareen guulo isla markaana ay isa soo af garteen dowladda Itoobiya.