U bood dhigaalka

Dhageyso: Naafada Ku Barakacay Ceeljaalle Oo Sheegay In Sax Ah Aan Loo Qeybin Gurmadkii La Geeyey Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Dadka naafada ah ee ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle, islamarkaana gaaray deegaanka Ceeljaalle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in si sax ah aan loo qeybin gurmad dhowaan lageeyey deegaankaasi.

Qaar ka mid ah naafadan ayaa Goobjoog News u sheegay iney ahaayeen mudnaanta Koowaad in la siiyo dadka naafada ah, balse la dhinac maray waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Waxay tilmaameen dadkan in ay u baahan yihiin gurmad kala duwan sida raashiin, biyo, guryo iyo dawo.

Naafadan ayaa ka codsaday maamulka gobolka Hiiraan in dadka naafada ah wixii kusoo aada si gaar ah loo siiyo oo aan lagu dhex fasixin dadka kale ee lixaadkooda u dhammeystiran yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News