U bood dhigaalka

Dhageyso: Nabadoon Aloore Oo Fariin u Direy Dhinacyada Ku Diriraya Mudug

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed, kana soo jeeda gobolka Mudug ayaa ka hadlay dagaallada xilligaan kasoo cusboonaaday deegaanno kamid ah gobolkaasi una dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Nabadoonka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalladan kusoo noqnoqday gobolka Mudug.

Xilligaan ayuu sheegay nabadoonka inaan loo baahneyn dagaallo u dhaxeeya bulshada Mudug, maadaama la filayey in nabad lagu soo dabaalo.

Dhinacyada isku haya Mudug ayuu sheegay in looga baahan yahay iney nabadda qaataan oo dagaallada laga joojiyo dadka shacabka ah.

Duleedka magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalladaasi ku dhintey dad ka badan 10.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News